Farmaajo iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Jabuuti u Anba-baxay

0

Madaxweynaha Dowladda Fedrealka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ( Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas Jabuuti.

Waxaana lagu wadaa in maanta shir uu magaalada DJabuuti uga billowdo wafdi ka socda Dowladda Federalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo isna hoggaaminaya wafdiga ka socda dhanka maamulka Soomaliland, waxaana shirkaan shir guddoomin doona shirka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa la filayaa in shirkaas lagu lafa guro wax yaabo badan oo la xiriira sidii dowladda dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Somaliland isu raaci lahaayeen, maaddaama Soomaliland ay ku dhawaaqdy in ay ka go’day soomaaliya inteeda kale, wallow aysan aqoonsi helin ilaa iyo hadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here