Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaan in lagu dilay dalka South Africa,xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsiga.
Cabdiraxmaan Macalin Cali oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku ganacsada Dalka South Africa ayaa waxaa dil u gaystay sida la sheegay Burcad Madow South African ah, kuwaas oo kusoo wareeray goobtiisa ganacsiga kadibna halkaas ku dilay.
Waa muwaadinkii Afaraad oo Bishan gudaheeda lagu dilo Koonfur Afrika, sida muuqatana ma jirto Boolis heegan ah oo wax ka qabanaayo dilalka bareerka ah ee loo gaysanaayo muwaadiniinta Somaliyed.
Inta badan ganacsatada ku ganacsada dalka South Africa ayaa dhibaato xooggan waxaa ay kala kulmaan kooxo burcad ah oo dil u gaysta xiliyada ay shaqadooda ku guda jiraan, waxaana horay loogu dhibaateeyay gudaha dalkaas muwaadiniin soomaaliyeed.

