Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo Maanta Ku Kulmaya Jabuuti

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo hogaaamiyaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo axad ah Wada-hadal ku yeelan doona Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Wada-hadaladaan oo ah mid labada dhinac lagu dhexdhexaadinayo ayaa waxaa gogoshiisa dhigtay Dowladda Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in maanta uu shir guddoomin doono kulanka, ay kuwada hadlayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

“Maanta dalka jabuuti waxaan shir guddoomin doonnaa kulan dhex mara Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si aan ula socono dadaalada dhex dhexaadinta ee labada hoggaamiye.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in uu madasha ku soo casuumay Abiy Ahmed, Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethopia.

Ilaa haatan ma cadda ajendayaasha looga hadlaayo wada-hadalka Somaliya iyo Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here