Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay wada-hadalada maanta lagu wado in ay dalka Jabuuti ku yeeshaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu ku daabacay barta Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Somaaliya ay ka go’an tahay wax kasta uu suurtagelin kara wadahadalo mira dhala.
“Madaxweyne Farmaajo waxaa ka go’an dhammaan dadaalada horseedaya wadahadalada guusha leh ee lala gelayo Somaliland,tani waxay la jaan qaadaysaa qaabkiisa dib u heshiisiinta, waxayna xaqiijineysaa mowqifkiisa si loo hubiyo walaaltinimada, taas oo ah udub dhexaadka umadaan.”ayaa lagu yiri qoraalka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya.

