Qaraxyo Gaadiid Looga Gubay Itoobiya oo Ka Dhacay Deegaanka Yurkud.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo Ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lagula eegtay deegaanka Yurkud ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Gedo iyo Baay.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deeganka,laba qarax ayaa lala beegsaday ciidamadda Ethopia oo kusii jeeday dhanka magaaladda Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamadda Ethopia laga gubay 2 gaari Uuraallo ah,islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Mudooyinkii dambe Al-shabaab ayaa kordhiyay qaraxyadda ay la beegsadaan ciidamadda Ethopia ee ku socdaala wadooyinka isku xira Gobolka Baay iyo Gedo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here