Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Geelle isaaq Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab, iyadoo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka amniga Mudane Xasan Maxamed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Mudane Yuusuf Sh. Xasan Macalin.


