Shabaab oo Qaraxyo Ku Gubay Laba Bayadood ay Lahaayeen Ciidamadda Dowladda

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo Dagaalyahnadda Xarakadda Al-shabaab ay la Eegteen kolonyo katirsan ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab qaraxyadda oo gaarayay ilaa laba qarax ayaa lagu gubay booyado gaaraya illaa labo booyadood oo shidaal u siday Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Guutooyinka Qaraxyada ee ciidamada Al-Shabaab ayaa qaraxyo ku beegsaday kolonyada ciidamada Dowladda federaalka, waxaana jira waxyeello kala duwan,ma helin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Dowladda federaalka marka laga soo tago labada booyadood ee qaraxyada lagu burburiyay”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay SHabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo looga hadlaayo qaraxyadda ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here