Daahir Ciiro:-“Maamul Goboleedyadda iyo Mucaaradka Ha Taageeraan Dowladda”,+Dhageyso

0

Daahir Ciiro oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa waxa uu ka hadlay hadalheynta taagan ee ka jirta dalka iyo dhaliisha loo jiidinayo mas’uuliyiinta haatan talada heysa ee dalka.

Siyaasi Daahir Ciiro ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in wada-hadal iyo wada xaajood laga yeesho arrimaha yar yar ee lagu kala aragtida duwan yahay ee ka dhaxjirta madaxda dowlada Dhexe iyo dowladda xubnaha ka ah lana fiiriyo howlaha adag ee dalka ka jira.

Waxaana uu siyaasigu tilmamay in haatan aysan aheyn xilli la is qabqabsado ama lais dhaleeceeyo ee ay tahay in qof walba looga baahanyahay in uu firiyo halka ay ku jirto danta umadda Soomaaliyeed danta gaar ahna laga hormariyo danta guud iyada oo loo turayo shacabka Soomaaliyeed .

Dhan kale siyaasi Daahir Ciiro ayaa waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Madaxda Maamulka Goboleedyadda dalka in ay dowladda federalka ah taageeran islamarkaasna aysan hada muhiim aheyn mucaaradnimo iyo eedeyn loo jeediyo Madaxda Qaranka maadaama uu dalku haatan galay xiliga kala guurka wixii hatan ka dambeyana la filayo in loo dareero doorasho.

Iskusoo wada duuboo hadalka siyaasigaan ayaa waxa uu kuso aadaya iyadoo uu jiro dhaliilo kala duwan oo ay madaxda dowlada faderal ka ah ay soo jeedinayeen siyaasiyiinta dalka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar kuwaasi oo dowlada ku eedeynaya in ay damacsan tahay muddo kororsi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here