Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa wiil dhalinyaro ah ku toogtay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho, waxaana la sheegay in cusbitaal loola cararay inkastoo ugu danbeyntii uu geeriyooday sida ay inoo shegeen dad goob joogayaal u ahaa halka uu falku ka dhacay.
Wiilka dhalin yarada ah ee askarigu toogtay ayaa ahaa wade mooto Bajaaj, waxaana dil u gaystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaliya, waxaana la sheegay in askariga dilka gaystay uu ka tirsanaa ciidanka dowladda eek u sugaan duleedka muqdisho gaar ahaan Ceelasha Biyaha.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah eek u qasabtay Askariga in uu dil u gaysto wiilka Bajaajlaha ah, balse inta nbadan waxaa magaalada muqdisho iyo degaanada ku hareeraysan ka dhaca falalka noocaan ah ee lagu dhibaateeyo wada yaasha mooto Bajaajta.

