Maamulka Somaliland oo Laga Helay Kiisas Hor leh Covid19

0

Maamulka Soomaaliland ayaa maanta shaaciyay in kiisas hor leh oo xanuunka CoronaVirus ah laga he;ay gudaha maamulkaas, Bukaanada Cusub ee laga helay Cudurka ayaa isugu jira 12 qof oo rag iyo 7  Dumar, kuwaasi oo laga diiwaan-geliyay Magaalada Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof, isla markaana waxa da’doona ay u dhexeeysaa 19 sano jir ilaa 90 jir.

Waxaa isi soo tarayay dadka cusub ee uu soo ridanayay caabuuqa Covid19, Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Cudurka Coronavirus Somaliland ugu geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Burco, da’diisuna aheyd 52 jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan halkaas u dhimatay 25 qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here