Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo oo gaarigiis loogu xiray.
Isagoo xalay warbaahinta kula hadlayay Magaaladda gaalkacyo ayuu ugu horeyntii ka hadlay howlgal ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo,kaasi oo lagu dilay nin la sheegay inuu ahaa Amiirkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Magaaladda Gaalkacyo.
Sidoo kale howlgalka ayaa lagu qabtay Laba nin oo la sheegay in Dagaalyahanadda Al-Shabaab la shaqeynayeen.
Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu khaarijiyo oo gaarigiisa loogu xiray.
Waxa uu sheegay In ninka qaraxa gaarigiisa ugu xirey la yaqaano,islamarkaana gacanta lagu hayo.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Ciidamadda amniga,islamarkaana aysan soo dhaweynsanin dagaalyahanadda shabaab ee fuliya qaraxyadda iyo dilalka.

