Banaanbax Maanta Ka Dhacaya Muqdisho, Ciidamo Lagu Daadiyay Wadooyinka

0

Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wadooyinka xiran waxaa ku sugan Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana loo diidayaa dadka iyo gaadiidka.

Ujeedka loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay Banaanbax ujeedkiisa yahay taageerida hadalkii Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ee ah in Xildhibaanada Baarlamaanka ogolaadaan in Gobolka Banaadir matalaad uu ku yeesho Aqalka Sare ee dalka.

Banaanbaxayaasha ayaa la qorsheynayaa in lagu diyaariyo goobo kala duwan oo Magaalada gudaheeda,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga Magaaladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here