Shir arrimo xasaasi ah Looga Hadlayo oo Puntland Ka Socda

0

Waxaa Xarunta madaxtooyada  maamulka Puntland ka socda shir u dhexeeya madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa, waxaana shirkaan qayb ka ah madax kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Shirka ayaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada masuul, deni iyo ku xigeenkiisa  Axmed Karaash ayaa  dhawaanahaan waxaa taagnaa khilaaf xooggan oo labadooda a dhexeeyay balse waxaa jirtay in dhawaan ay isku soo dhawaadeen labada masuul, iyagoo sheegay in wax yaabihii la isku hayay badankood ay ka wada heshiiyeen, inkastoo aan la dhammaystirin wada hadalka oo ilaa iyo hadda ay jiraan waxyaabo la isku khilaafsan yahay.

Shirkaan maanta ka socda Garoowe ayaa lagu lafa guri doonaa sidii loosoo afjari lahaa ismari waaga karaash iyo Deni, shirkani sidoo kale waxaa ku jira qaar ka mid ah ismada maamulka Puntland kuwaas oo horay uga qayb qaatay in ay wada hadlaan madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku Xigeenkiis Axmed Cilmi Cusmaan Karaash.

Si kastaba dhawaanahaan waxaa isi soo tarayay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyadoo ay xusid mudan tahay khilaf koodu uu gaaray meel xasaasi ah, waxaana bulshada reer Puntland ay ku tilmaameen khilaafka mid aan loo baahnayn xiligaan, ayna tahay wax laga xumaado in madaxdii sar-sare ay is khilaafaan.

Waxaana muuqda ifi-faalo wanaagsan oo isku soo dhaweyn kara labada dhinac, wax garadka iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa u istaagay sidii loo dhamaynaa khilaafkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here