Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir Degmadda Hodan ee Magaalada Muqdisho,waxaana lala eegtay mid kamid ah gaadiidka ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaa qaraxa ka badbaaday Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhawaana loo magacaabay xil cusub.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 1-askari oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed,3-kalana wey ku dhaawacmeen.
Al-shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyadda ka dhaca magaaladda muqdisho.

