AMISOM oo Duqeysay Deegaan Ciidanka Dowladda Gacanta Ku Hayaan

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo ciidamadda Midowga Afrika AMISOM Lagula eegtay deegaanka Shalaambood Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa qabsaday gaari xamuul ah oo sahay usiday ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,qaraxa kadib ciidamadda AMISOM ayaa furey rasaas aan geysanin wax khasaare ah.

Dhanka kale Ciidamadda AMISOM ayaa xalay Madaafiiic ku garaacay Xaafadaha deegaanka Shalaambood Duleedka Magaaladda Marka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceyn saldhigyo ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka,waxaana jira khasaare.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in AMISOM ay madaafiic ku gaaraceen Saldhigyadooda islamarkaana ay jawaab ka bixin doonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here