Puntland oo Khafiifisay Bandowgii, Iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka oo la Fasaxay

0

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay, in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18-May 2020 la khafiifiyay bandowgii la xiriiray xanuunka COVID-19 ee saarnaa deeganadda Maamulka Puntland.

Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in iyadoo lagu jiro 10-kii dambe ee ramadaan Maamulka uu go’aansaday in la khafiifiyo bandowga,islamarkaana ciida kadib lasoo celin doono.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus

“Waxaa la khafiifiyey go’aamadii Bandowga ee 27kii March 2020 kasoo baxay Guddiga Covid19 Puntland,sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, guddiga ayaa dib u fasaxay iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka, balse waxay dadka ka ganacsada xasuusiyeen  in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19 sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.

“Dadka Qaadka kala iibsanaya iyo kuwa Ciida isu diyaarinaya, waxaa uu guddigu xasuusinayaa in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaad ee ku saabsan Covid-19, sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.”

Ganacsatada Qaadka, ayaa lagu wargeliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nadaafadda, islamarkaana aysan Jaadka ku hor-gadin xarumaha dowladda kuna dhaqmaan talooyinka caafimaadka.

“Gancsatada Qaadka waxaa lagu wargelinaya inay masuuliyad ka saarantahay illaalinta nadaafadda, in aan lagu horgadin qaadka xarumaha Dowladda iyo inay ku dhaqmaan talooyinka Caafimaad ee aan kor kusoo sheegay”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here