Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo ka hadlayay qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug iyo ilaaladiisa ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar waji kala duwan leh.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in mudda laba bilood gudahood ah la dilay Guddoomiyaashii Mudug iyo Nugaal taasina muujinayso in weerar hadafyo iyo wejiyo kala duwan leh uu ku socdo Puntland balse gacan bir ah lagala hor-tegi doono kuwa falalkaasi ka shaqaynaya.
Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay in ciqaab adag la marin doono cid kasta oo lagu helo dilalka Guddoomiyaashii Gobollada Mudug iyo Nugaal iyo sidoo kale fal kasta oo lagu dhibaateynayo mas’uuliyiinta Puntland.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay dad kala duwan u hayaan dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana ay dhowaan sharciga sharciga marin doonaan isagoo xusay in goob fagaare ah lagu toogan doono.

