Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa galabta ansixiyay xukuumadii uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).
Kadib kulan ay ku yeesheen Magaaladda Dhuusa-mareeb ayay ku ansixiyeen Xukuumadda Madaxweyne Qoor-qoor uu soo dhisay.
Kulanka Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi waxaa fadhiyay 78-Xildhibaan , waxaana Xildhibaanada hortagay kana codsaday in Golaha Wasiirada Ansixiyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.
Intaas kadib cod la qaaday,ayay 78-xildhibaan si aqbaliyad leh ku meel mariyeen golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.
Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug meel marinta golihiisa Wasiirada, waxa uuna balan qaaday in shaqo wanaagsan oo lagu qanco la imaan doonaan golaha Wasiirada cusub.

