Al-shabaab oo Ka Hadlay Sababta ay u Fuliyeen Qaraxii Lagu Dilay Axmed Muuse

0

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qaraxa uu fuliyay nin isa soo miidaamiyay ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta Magaaladda Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland.

War kasoo baxay shabaab ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

“Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ku dhintay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sedax kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha ay iyana ku dhinteen qaraxa.

Weerar midkaan lamid ah oo bishii Maarso ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal ugu magacaawnaa maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here