Maamul Ka Madax Banaan Ka Axmed Madoobe oo Laga Dhisayao Gedo+Dhageyso

0

Golaha isbadel doonka Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqey  dhismaha Maamul ka madax banaan kan hada uu hogaamiyo Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ee fadhigiisu yahay Magaaladda  kismaanyo .

Qorshaha lagu soo dhisayo Maamulka cusub ee Jubbaland ayaa ka socda qeybaha Maamulka Jubbaland ay kaga sugan yihiin Ciidanka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Xubnaha is bedel doonka ee Jubbaland .

Dhismaha Maamulka cusub oo ay dhisayaan xubnaha isbedel doonka ayaa yimid kadib markii ay heshiis wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaab Axmed Madoobe iyo Xubnaha Isbedel doon kaas oo ay uga wada hadleen Dhismaha  Maamul is raaca ee Jubbaland kuwaas oo   markii dambe ay isku  khilaafeen ayadoona hada La sheegey in  Maamulka ka madax banan Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe laga soo dhisi doonaa Gobolka gedo sida uu inoo sheegeen Mas’uuliyin kusugan Gobolkaasi .

Caydaruus Axmed oo kamid ah Golaha isbedel doonka Maamulka Jubbaland oo la hadalay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay kala jabeen Xubnaha isbedel doonka islamarkaana ay  laba garab  noqdeen.

Waxa uu sheegay  in garabka ay hada hogaamiyaan ay Maamulka cusub  oo ka madax banaan kan hada ka jiro Magaalada Kismaanyo  ay ka dhisi doonan Gobolka Gedo asaga oo na sidoo kale xusey in Maalmaha soo aadan ay ku dhawaaqi doonan ayna kasoo qeyb gali doonan Dhaman  shacabka iyo qeybaha kala Duwan ee Gobaalkasi Gedo.

Sidoo kale waxa uu sheegey in Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe aysan  heshiis  aheyn islamarkaana uu la heshiiyay C/naasir Seerer iyo C/rashiid Xidig ayna .

Dhismahan Maamulka cusub ee ay ku wadaan  Xubnaha Isbedel doonka ayaa kusoo aaadayo Ayadoo Golaha isbedal doonka Ay laba garab u kala jabeen kadib markii ay heshiis soo  wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Mucaaradka kuwaas  oo ay ka soo horjeysten qaar kamid ah Mas’uuliyin Xubanaha Isbedel doonka kuwaas oo sheegey in Maamul cusub  ay dhisayaan islamrkaana ay udhan yihiin Dadka kunool Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here