Bayaan kasoo baxay Hogaanka Al-shabaab oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu Magacaabay guddi ka kooban todobo xubnood, kuwaa oo isugu jira Masuuliyiin, Culimo iyo Waxgarad.
Guddigaan ayaa la socon donaan Xaaladda Carona-virus.
“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee ku soo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Corona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacaladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay Bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin.”


