Kooxo hubeysnaa ayaa caawa magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Nin ganacsde ahaa oo si weyn looga yaqaanay magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay wadada Isgoyska Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Xaawo Cabdi,Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa dilay ganacsadaha xiligii cishaha kadib.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Marxuum Cali Naaleeye (Cali Barkhadle),waxaana la sheegay in lagu dilay fal burcadnimo ah ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka dhacay Mobile uu watay,balse uu diiday in uu dhiibo.
Cali Barqadle, ayaanan la ogeyn illaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa, iyadoo wali aysan cidna sheegan masuuliyadda ninkaasi la dilay, Wuxuuna ahaa ragga ka xamaashta iibinta Baabuurta.


