Al-shabaab ayaa ka hadlay sababta ay usii daayeen Silvia Romano oo aheyd Gabar Talyaaniga u dhalatay oo muddo sanad iyo bar ka hor Al-shabaab ka soo qafaasheen dalka Kenya, laguna hayey gudaha Somalia.
Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo la hadlay wargeyska La Repubblica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegay in lacag madax Furasho ah ay ka qaateen Haweeneyda,islamarkaana ay sii daayeen.
Waxa uu sheegay in lacagta ay haleen in in loo adeegsan doono in lagu maal-geliyo wax uu ugu yeeray jihaadka ka socda geeska Afrika.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Haweeneyda aan lagu qasbin qaadashadda diinta,balse loo bandhigay ayna qaadatay.
“Qeyb ahaan lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in lagu soo iibiyo hub, taasoo aan u baahannahay si aan u xoojino jihaadka aanu kula jirno cadowga Islaamka, inta kale ee lacagta kasoo hartana waxaa lagu bixin doonaa iskuullada, waxaa lagu iibin doonaa cunooyin iyo dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa Booliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada” ayuu yiri Cali Dheere oo aan sheegin cadadka lacagta ay madax fursahada u qaateen.
“Nidaam abuuraya inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka ayey Al-Shabaab leedahay” ayuu yiri afhayeenka oo dhinaca kale sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia.

