Xildhibaanadda Galmudug oo Diidan Ansixinta Wasiiradda Galmudug+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimaddda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Xildhibaandda Baarlamaanka maamulkaas ay diidan yihiin ansixinta Golaha Wasiiradda Maamulkaas uu dhawaan soo dhisay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Sida uu kusoo waramayo wakiil wareedka idaacadda Simba ee deeganadda Galmudug, Xasan Khasaaro, xildhibaano badan oo taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa diidan  ansixinta Wasiiradda Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in khilaafkii u dhaxeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, iyo madaxweyne Qoor-qoor uu wali taagan yahay.

khilaafkan ayaa yimid karib markii uu  dhawaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug  magacaabey Golaha wasiiradda Maamulka Galmudug kaasi oo lagu eedeyey in uusan la tashan Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka Maamulkaasi ayadoona Mas’uuliyiinta Galmudug iyo  shacab Maamulka Galmudug ay walaac ka muujiyeen in Galmudug ay marto waddadi ay mareen Maamuladdi ka horeeyey  Madaxweyne Axmed Cabdi kaari qoorqoor  waxana lasheegey  in khilaafkan  uu rajo xumo ku abuurey Bulshada Ku dhaqan Maamulka Galmudug kuwaas oo uhanqal taagayey Galmudug israacdo islamarka aysan umuuqanin mid hirgali  doonto siday sheegay  Masuuliyiin katirsan maamulkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here