Al-shabaab ayaa la sheegay in ay amaro duldhigeen Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Samafalka ee Ka Howlagalla deegaanadda Gobolka Shabelaha Dhexe.
Mid kamid ah beeraleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in wabiga Shabeelle uu Baa’biyay beerihii ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay meel duur ah maciin bideen.
Waxa uu sheegay in aysan jirin Hay’addo ilaa haatan gargaar lasoo gaaray,islamarkaana deegaanadda ay tageyn ay ka taliyaan Xarakadda Al-shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in al-shabaab amar kasoo baxay lagu diiday in Hay’adaha samafalka ay yimaadaan deeganaddda ay ku sugan yihiin Xiligaan.

