Al-shabaab oo Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Saldhig AMISOM

0

Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Ciidamadda Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Ambareeso oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin ciidanka Uganda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira khasaare ka dhashay.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in weerarka,khasaare loogu geystay Ciidamadda AMISOM,islamarkaana lasoo bandhigi doono.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Ambareeso oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin ciidanka Uganda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here