Ciidamada Xooga Dalka gaar ahaan Kommaandooska Danab, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Carabow oo 50km u jira magaalada Bu’aale halkaas oo uu shir muhiim ah uga socday Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Shabaab.
Ciidanka Danab ayaa cagta mariyay halkii uu shirku ka dhacayay waxaana Al-shabaab soo gaaray khasaare xoog leh.
Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka ay dileen sadax horjooge oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali, kaasi oo lagu magacaabo (Abuu Ayman) Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib kasoo sheegidoonaan.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kordhiyay howgalada kadhanka ah Al-shabaab kuwaasi oo kasocda gobolada dalka oo dhan gaar ahaan gobolka Jubadda dhexe iyo shabeelooyinka.

