Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid safiirkii Soomaliya u fadhiyay dalka Masar Cabdiqani Muxumed Wacays.
war qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Xasan Cali Kheyre ayuu ku yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay safiirkeenii dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta, Cabdiqani Muxumed Wacays. Waxaan ku xusuusan doonnaa muddadii dheerayd ee uu dalka u adeegay. Alle ha u naxariisto”

