Shacabka Degmada Hodan oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Fulin Rabay

0

Shacabka degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in uu doonayay in u dilo Sarkaal ka tirsan ciidan Booliska, waxaana la sheegay in dhawaac daran uu soo gaaray Sarkaalka.

Waxaa la shegay in ay wiilkaan qabteen shacabka degmada sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun, sidoo kale war ay soosaartay wasaaradda warfaafinta DfS ayaa lagu bogaadiyay shaqada ay shacabka degmada Hodan Qabteen.

Degmada Hodan waxaa ku yaalla xaruumaha ugu badan ee waxbarashada Gobalkani Banaadir, sidoo kale waxaa ay ku yaalla Goobo ganacsi iyo xaruumaha dowladda, waxaana lagu tilmaamaa degmada ugu bilicda wanaagsan degmooyinka Gobalka Banaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here