ayadoo Todobaadkii lasoo dhaafay degmada bardaale ay kusoo dhacday diyaaraddi Afican express oo laga lahaa Dalka Kenya Taasi oo siday shixnad iyo dad rakaab isku jiray soomali iyo ajanabi ayaa waxana isasoo taraye warar shegaya in diyaaradasi ay soo riday ciidamada ethopia oo ku sugan degmada bardaaale waxana diyaaradasi soo dhacday ku naf wayey tiro lix qofood ah labo qof oo somali ah halka afarta kalana ay ahayeen ajaaniib udhashay dalal shisheeye
waxaa lasheegey in baritaano lagu wado diyaaradan ay soo rideen Ciidamo itopiyana oo katirsan Howgalka midowga Afrika Amisom ayadoogana sheehey in arintaan ay si khalad ah u dhacdey ayna ka shakiyeen Diyaaradan Maadama ay san wax ka ogeyn In Dowladda Soomliya ay soo fasaxdey islarkaama oo is qabqabsi ka dhaxeeyey Dowlada kenya iyo itoopiya Taas oo keentay in ay soo ridaan waxana walaac ka muujiyey siyaasiyinta Soomaaliyed kuwaas oo sheegey in aysan arintan oo kale soo laabanin loona baahan yahay in laga fiirsado falalka noocan oo kale ah.
siyaasi Cisman Dhere oo kamida siyasinta somaliyed oo Idaacada Simba wareysi siiyey ayaaa ciidamada ethopia eee kusugan degmada Bardale ku eedeyey in ay kadambeyen diyaradii Afrikan ee kusoo dhacday degmada Bardaale waxa uuna sheegay in Ciidanka Amisom ay ka hadleen kuwaas oo sheegen in ay si khalad ah u dhacdey islmarkana aan lasoo ogeysiin ayna uga shakiyen ismiidamin ayadoo Dowladda Soomaliya ay Fasaxdey in ay diyaaraadasi ay kasoo degto Degmada Berdaale Asagona xusey in siyaasiyinta Soomaliyed ay walaac ka muujiyeen kuwaas oo sheegey in arintaan ay ka foojignato Dowladda Soomaliya islamarkana ay cashar ka barato waxa hada dhacay
dhawaan ayey aheyd markii Diyaarad laga leeyahay Dalka kenya ay Ciidamo itopiyana oo katirsan howlgalka amisom ku soo riden Degmada Bardaale taaas oo waday rakaab iskugu jirey Soomaali iyo Ajanib u dhashay Dalal shisheeye kuwaas oo ka koobna 6 qofood . ayana dhamantod ku geeriyoodeen shilkaadi diyaaradeed ee kadhacay Degmada Bardaale oo katirsan Gobalka Baay
Hoos ka dhagayso codka Siyaasiga

