Waxaa korortay tirada dadka u soo ritay caabuqa covid19 ee gudaha maamulka Somaliland, waxaana la diiwaan galiyay kiisas hore leh oo la xariira xanuunka.
Ku dhawaad 11-ruux oo ah kiisas cusub ayaa laga helay maanta, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka laga helay 11 Qof oo Cusub, kuwaasi oo laga qaaday dheecaanno.
Waxaa uu sheegay wasiirku in ay la tacaalayaan bukaanadaan cusub, kuwaas oo uu sheegay in ay geeynayaan xaruumo dadka lagu karantiilo.

