Taliyihii Ciidanka Booliiska Magaaladda Dhuusomareeb oo Iscasilay

0

Taliyihii ciidanka booliiska Saldhiga magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug Dhame Burhaan Axmed Rooble ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Booliska.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayuu sheegay in uu isku casilay faragalin baahsan oo lagu hayay shaqadiisa.

Waxa uu sheegay  in labo mar xabsiga Dhuusomareeb si xoog ah looga sii daayay dad uu sheegay in tuhun loo soo xiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madax sare oo ka Tirsan Booliska Galmudug si qasab ah xabsiga uga sii daayeen sadex qof uu sheegay in uga shakiyeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab kuwaa oo baaritaano ku socdeen.

”Waxaan isku casilay in aan shaqadeeda u madax banaaneen, waxaa xabsiga laga daayay labo nin oo magaalada ku cusbaa oo xog nala soo siiyay ku xirnay, waxaana dadkan oo saacado xirnaa kuna socotay baaritaano laga daayay xabsiga, waxaa sidoo kale tuhun argagaxiso loo xiray nin laga shakiyay balse isna xabsiga laga sii daayay waxaana loo gudbiyay dhinaca Cadaado.” ayuu yiri taliye Burhaan.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Taliyihii ciidanka booliiska Saldhiga magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug Dhame Burhaan Axmed Rooble in uu xilka waeejin doono markii qofkii badali lahaa lasoo magacaabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here