Jubbaland oo u Diyaar-garoobaysa Aas Qaran Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashadda

0

Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa ku jirta u diyaar garoowga Aas Qaran oo Magaalada Kismaayo loogu samaynayo Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxmuud kaas oo Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 08 May 2020 ay diyaarad gaar ah oo kaso qaaday wadanka Hindiya oo ah halka uu ku geeriyooday isla markana ay keenayso Magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya halkaas oo isla diyaarad kale gaar ah ay kasoo qaadayso kadibna ay keenayso Magaalada Kismaayo si Aas Qaran loogu sameeyo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo saacadahii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa sidii maydka Allah ha u Naxariistee Wasiirka loogu heli lahaa duulimaad keena Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ayaa goordhow Magacaabi doona gudigii ka shaqayn lahaa Aaska Qaran iyadoo maydka Wasiirka Magaalada Kismaayo la keenayo 09 May 2020 oo ku beegan maalinka barito ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here