Rag Al-Shabaab Xogaha U Gudbin Jirey oo La Qabtay+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dad looga shakisan yahay inay dhanka Xog gudbinta u qaabilsanaayaan al-shabaab.

Gudoomiyaha Degmadda Afgooye Ibraahim Cumar Khaasim, oo la hadlayay idaacada Simba ee Magaaladda muqisho ayaa ugu horeyntii tacsi u direy eheladii uu ka baxay Gudoomiyaha isboortiga Degmadda Afgooye  Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo xalay lagu dilay Masjid ku yaala Degmadaas.

Waxa uu sheegay in ragga falkaas geystay ay ahaayeen kuwa Naxariista ka tagay,islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono saacadaha soo socda.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmadda Afgooye Ibraahim Cumar Khaasim ayaa sheegay in gacanta haatan lagu hayo dad looga shakisan yahay inay dhanka xog gudbinta u qaabilsanaayaan al-shabaab.

Kooxaha hubeysnaa ayaa xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen Goolhayihii Kooxda Banaadir iyo Xulka Qaranka, AUN Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow).

Marxuumka ayaa wuxuu Salaadda Taraawiixda ku tukanaayay Masaajid ku yaala Degmada Afgooye, waxaana gudaha Masaajidka ugu galay dabley hubeysan oo rasaas la dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here