Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warbaahinta shabaab ayaa baahisay in ragg iyaga ka Tirsan ay dileen sarkaal ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Hawlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabellaha Hoose waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Somaliya, hawlgalkan waxay Mujaahidiinta ku dileen Cabdiweli Colaad Gaatamow, oo ahaa Gudoomiyihii Isboortiga Dowladda Federaalka ee Degmada Afgooye.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay argagixisada Al Shabaab.
Goolhayihii Kooxda Banaadir iyo Xulka Qaranka, Cabdiweli Colaad Qanyare ayaa waxay rag hubeysan ku dhex dileen Masaajid ku yaala Degmada Afgooye, xilli uu Salaadda Taraawiixda ku tukanayay.

