Wararkii u Danbeeyay iyo Dil Ka Dhacay Gobalka Galgaduud

0

Wali waxaa taagan xiisad dagaal oo si weyn looga dareemayo degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Galgaduud, waxaana si weyn loo dareemayaa saan-saan dagaal sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Waxaana xusid mudan in saakaa uu dilka dhacay degaanka miircad oo ka ag dhaw Qalan-qalle oo tan iyo shalay dagaal uu ka socday, waxaana xiisadda dagaal ee taagani ay u dhaxaysaa laba Malleyshiyo beleed oo wada daga Gobalkaas.

Dilka loo geystay Ninka ayaa la xusay inuu la xiriiro aano qabiil iyo dagaalkii shalay dhacay, waxaaba goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii dilka geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here