Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Diyaaradd Ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay kusoo rideen garoonka diyaaradaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxa Ciidanka Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa marka hore loogu tacsiyadeeyay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo siday gargaar ay ka baxday Garoonka magaaladda Baydhabo,islamarkaana uu gantaal ku dhacay, baaritana lawado.
“Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho, hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”
“Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

