Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, ayaa sheegay inuu dawo dhireed la sheegay inay daweyso cudurka Covid-19 uu ka soo dhoofsan doono dalka Madagascar. Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa haseyeeshee sheegtay in ilaa iyo hadda aan la helin dawo lagu dabiibo fayraska.
Tanzania ayaa shaacisay in dad tiradoodu ka yartahay 500 oo qof uu dalkaasi ku dhacay cudurka. Hase yeeshee mucaaradka ayaa sheegay in dowladdu ay qarinayso xogta faafidda cudurka maadaama saddex xildhibaan ay dhawaan u dhinteen xaaladdo aan caddeyn.
Madaxweyne John Magufuli ayaa sheegay inuu diyaarad u diro doono dalka Madagascar si halkaa uu uga soo dhoofsado sharoobo dawo dhireed ah oo la sheegay inay waxtar u leedahay dadka uu ku dhaco fayraska Corona.
” Wadahdal ayaa inoo socdo Madagascar, waxay ii soo direen warqad ay ku leeyihiin dawo ayaan u henay coronavirus. Waxaan direynaa diyaarad inoo keenta dawadaasi si ay Tanzania uga faa’iideysato. Dowladdu habene iyo maalinba way shaqeyneysaa”, ayuu yiri Magafuli.

