Puntland oo Ka Hadashay Dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo

0

Maamulka Puntaland ayaa war kasoo saaray dagaal ka dhacay qaybo ka mid ah maamulka Puntland , kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay.

Waxaa puntland ay sheegeen in dagaal gardarro ah uu kagag yimid ciidan u abaabulan qaab malleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo.

Waxaana uu sheegay in ciidanka weerarka soo qaaday ay ka yimaaden dhanka maamulka Galmudug, ayna soo weerareen saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayen degaanka lagu dagaalamay, isagoo intaas ku daray in aysan ciidankaas Galmudug aysan soo dirin balse ay yihiin maleeshiyaad iskood isku abaabulay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here