Madaxda Dalka ugu Sarreysa oo eedeyn Xooggan Loo Jeediyay

0

Madaxda sare ee Dowladda ayaa lagu eedeeyey inay  ku leeyihiin Muran Xooggan oo ka taagan Deeganada Galmudug kaas oo ka dhashay Dhismihii Golaha Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug kuwaas oo la sheegay in lagu soo xulay Caddaalada Darro iyo Musuqmaasuqa Xooggan oo ay sameeyey Madaxda Dowladda federalka iyo kuwa Galmudug.

Muranka jira ayaa ku saleysan in Madaxweyne Maxamed Cabduuulaahi Farmaajo iyo Madxweyne Qoorqoor inay ka danbeeyeen Musuqmaasuq lagu sameeyey Xubnaha Beelaha Waqooyiga Gobalka Galgaduud ay ku leeyihiin Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Galmudug waxaana wararku ay sheegayaan in Madaxda ay amar ku bixiyeen in xilaal loo Magacaabo Shaqsiyaad la sheegay inaysan Matali karin Beelaha Gobalkaas islamarkaasna lagu Xushay inay Taageerayaal u yihiin villa Somalia.

Wasiir ku xigeenka Gaadiidka Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in qaarka mid ah Beelaha waqooyiga Gobalka Galgaduud in lagu qadiyey Saami qeybsiga Golaha Wasiirada waxa uuna Xusay in Musuqmaasuqaas ay ka danbeeyaan Madaxda Dowladda dhexe oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka Gaadiidka Galmudug ayaa intaas hadalkiisa sii raaciyey inay Beelaha Dulmiga iyo Cadaalada darada tabanaya ay ka Tashanayaan aayahooda islamarkaan ay Go’aan cad ka qaadanayaan Maamulka Galmudug maadaama Xukumadda lagu soo dhisay qof jecleysi iyo in Odayaasha dhaqanka beelaha aan lagala tashan Xubnaha la soo Magacaabay ee ka tirsan Xukumadda Cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Farmaajo qaarka mid ah Xubnaha Xukumadda Ra’iisulwasaare ayaa lagu eedeeyey inay hab Hufnaan iyo Cadaalad ay ku soo xuleen Golaha Wasiirada Galmudug oo cabasho Xoogan ay ka muujiyeen Beelaha Waqooyiga iyo Bariga Gobalka Galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here