Siciid Cabdullaahi Deni oo shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta Daadadkii Qardho

0

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

Madaxweyne Deni,  ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay, Fatahaadda, si deg deg wax looga qabto.

Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.

Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka.

Sidoo kale Guddiga gurmadka magaalada Qardho, ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen daadadku, si dib loogu furo isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddiga oo isticmaalaya gaadiidka CAGAF-ta la yiraahdo, ayaa saaka banneeyay goobo kala duwan oo ku xirmay Fatahaaddii habeen hore ka dhacday degmada Qardho, si loo soo celiyo isu-socodka magaalada.

Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf.

Daadadkii ku fatahay Qardho, ayaa xiray waddooyin iyo gooba kale oo muhiim u ahaa magaalada, waxayna aay xannibeen isu-socodka  dadka iyo gaadiidka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here