Al-shabaab oo Toogtay 3-Ruux, oo La Shaqeynayay Mareykanka

0

Al-shabaab ayaa Xukun toogasho ahaa ku fuliyay rag ay sheegeen in ay la shaqeyn jireen taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee (AFRICOM).

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaal magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya.

Ragga Xukunka lagu riday ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay,waxayna sheegeen in ay la shaqeyn jireen Mareykanka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa fagaarihii dilku ka dhacayay ku faah faahiyay shirqoollada ay Ku lug lahaayeen  raggan.

Halkaan Hoose ka Akhriso magacyadda Ragga Xukunka Lagu Fuliyaya.

  1. Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ah ayaa lagu helay in uu indho u ahaa diyaaradaha Drone-ka Mareykanka waxaana shaqaalaysiiyay maamulka Koonfur galbeed.
  2. Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ah wuxuu mas’uul ka ahaa duqeymo ay fuliyeen diyaardaha Mareykanka.
  3. Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sana jir ah wuxuu ubasaasayay Mareykanka waxaana shaqa geliyay maamulka Hirshabelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here