Axmed Madoobe iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Kismaayo Ka dagay

0

Axmed Maxamed Islaam Axmed Mdaoobe madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada  Kismaayo.

Madaxeynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya  lagu soo dhaweeyay Kismaayo, waxaana socdaalkiisa ku weheliya qaar ka mid ah xubnaha isbaddal doonka Jubaland, kuwaas oo madaxweynaha socdaalkiisa qayb ka ah.

Dad weyne fara-badan ayaa kusoo dhaweeyay Goroonka Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Golihii Isbedel doonka maamulkaas ee Cabdinaasir Seerar iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Maamulka Jubaland ayaa noqday maamul uu ka dhex-taagan yahay khalalaase siyaasadeed oo baahsan, waxaana siyaasiyiinta maamulkaasi ay si weyn kaga soo horjeedaa madaxweyne Axmed Madoobe dhawaan loo doortay madaxweynaha Jubaland wallow aysan dowladda ee Soomaaliya ay qaaddacday doorashadaas, balse maaml-mihii danbe waxaa soo baxayay warar sheegaya in Garabka isbaddal doonka Jubaland iyo Axmed madoobe ay isku soo dhawadeen, macquulna ay tahay in heshiis waara wada gaaraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here