Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.
War qoraal ah oo lagu daabacay Barta Facebook-ga Farmaaji ayaa lagu yiri“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu.
Sidoo kale, waxaan xoojinaynaa dadaallada heer Dowlad Goboleed ee Puntland ay bilowday, kuwaas oo ku saleysan samatabixinta iyo gurmadka dadka ku dhibaataysan magaalada Qardho iyo deegaannada ku xeeran”.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryahay umadda in uu ka dulqaadodhibaatada waxaana u intaa ku daray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonaan, ayna garab taagan yihiin shacabka dhibaatadu gaadhay.

