Maamulka Puntland oo Ka Hadlay Daadad Ku Dhuftay Qardho

0

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay  daadad ku dhuftay degaanno ka tirsan maamulka Puntland,War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa marka hore  loogu tacsiyeeyay dadkii ay xalay waxyeelada nafta iyo maalkaba leh kasoo gaartay roobabkii gu’ga ee ka curtay Puntland, fatahaadihii iyo dooxooyinkii soo rogmaday waxyeeladdii ay u geysteen Qardho.

“Waa waajib ina saaran in Maamul, Ganacsato, Shacab iyo Qurbo-joog  loo gurmado shacabka Qardho Maanta oo kale waxaa inoogala baahan yahay in kuween wax heysta ay gacan ka geystaan gurmad Qardho” ayuu yiri Guddoomiye Jibriil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here