Jahwareer siyaasadeed oo xooggan ayaa ka jira deegaanadda maamulka Hirshabeelle 24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa isbarbar socday mooshino iska soo horjeeda.
Khilaafka mooshinadaas ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka somalia ee laga soo doorto deegaanada Hirshabeelle oo la hadlay idaacadda simba ee muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in hogaanka maamulka Hirshabeelle ay lunsadeen lacag gaareysa 5 boqol oo kun oo Doollarka mareykanka lacagahaasi oo loogu talagalay in wax looga qabto kahortaga cudurka karoona faayris.
Waxa uu Xildhibanka sheegay in golaha fulinta uu hogaamiyo waare todobaadkani la goystay lacagahaasi isagoona sheegay in hogaamayaha Hirshabele lacagahaasi deeq aruurinta ah u isticmaalay arrimo mooshinka xalay laga gudbiyay islamarkaana uu ku baxshay.
Waxa uu dowladda dhexe somaliya uu ka dalbaday in ay baaritaaan dheeri ah ay ku sameeyaaan lacagahasi si loo ogaado in lacagahaasi halka lagu baxshay.
Dhanka kale Xildhiban Daahir Aamiin Jeesow ooo sii hadlaya ayaa dowladda dhexe Somaliya Ugu digay iney joojiyaan lacagaha maamul goboledyada lasiinayo lacagtasi ay dowladu sheegtay in looga hortagayo caabuqa sii faaafaya eee covid19 isagoona sheegay in dowlada somaliya looga baahanyahay in lacagaha deeqda ee loogu talagalay ka hortaga caabuqa coronovirus ay gacanta u galiyaaan ganacsatada deeganada horshabele si isbitaalada ay uqalabeyaan.
Hadalkaani Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmahani ay soo ifbaxayeen xiisad Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyadoona 24saac ee ugu dambeysay ay mooshin iskasoo horjeeda uu kadhacay deeganada Hirshabeelle.
sow

