Maamulka Balad-weyne oo Dowlada Dhexe Eedeen u jeediyay+Dhageyso

0

Kadib  dhawaan roobabkii ka da’ay Maamulka Hirshabeelle ayaa Maamulka Magaalada Beledweyn waxa ay sheegeen in laga cabsi qabo in uu Wabiga shabeelle marka kale fatahaado Sameeyo ayadoona dadka kunool halkaas cabsi weyn ka qaban .

Cabida laga qabo fatahaada wabiga shabeelle ayaa timid  kadib markii Ay roobab ka da’een Magaalda Beledweyne ed Gobolka hiiraan  taas oo ay ganacsatada iyo shacabka Beledweyne ay Udiyaar garoobbeen sidi ay wax uga qaban lahaayeen unaga  hortagi lahaayeen fatahaadas ayaadoona Maamulka ganacsatada iyo Odayaasha ay sheegen in ay dhowr mar loo laabaatabay fatahadaha wabiga shabeelle islamarkaana ay u istaageen sidii ay uga hortagi lahaayeen sida ay sheegen Masuuliyiin katirsan Maamulkaasi .

Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Magaalada Beledweyne oo lahadley Idaacaada Simba ee Magaaldada Muqdisho  aya sheegey in ay Dhowr mar soo laalabatay fatahaada wabiga shabelle markuu igu dambeyseyna ay u istaageen shecebka Beledweyne iyo Guud ahaanbo gobolka hiiran oo iskugu jira Ganacsato iyo Mas uuliyin in ay wax ka qabtaan fatahadahas  isamarkaana ay isku tashadeen asagoona sheegey markii ay howahi bilaabeen dadkii usoo jeedan in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  usoo dirtey Wasiiro  Agaasimayaal iyo Xillibaano kuwaas oo sheegey in ay wax kaqabanayaan islamarkaana ay tageen Magaalada beledweyne ayna soo tuseen Xaalada ay kusugan tahay islamarkana ay howshii la waragen asagoona xusey in ay Arinta fatahaada wabiga shabeelle udaayeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayna ka faristeen waxa uuna Tilmaamay in ay san Dowladdu mar kale usoo laaban howshii loo Idmadey  taas oo keentey in ay Xagal daac iyo fashin noqotey Arimihii ay wadeen dadka Gobolka oo ahaa in ay wax ka qabtaan Fatahaada webiga shabelle

Maahan markii ugu horeysey ee eedeyn loo soo jeediyo noocan oo kale ah Dowladda federalka Soomaliya ee ku aadan Siddi biyo xireeno loogu sameyn lahaa fatahaada webiga shabele oo marar badan Dhibaatooyin ugeystey dadka kunool Magaalada Beledweyn ee Gobolka hiiraaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here