Kulamo Ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si qarsoodi ah kaga Socda Caasimadda ku meelgaarka ah Jubbaland ee Kismaayo.
Kulamadda waxaa soo agaasimay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Isbadal doonka Maamulka Jubbaland kuwaasi oo kasoo horjeeda doorashadii Axmed Madoobe ee ka dhacday magaaladda Kismaayo.
Abwaan Xarago oo kamid ah Golaha isbadal doonka Jubbaland oo lasoo xiriiray idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qol ay ku shirsan yihiin.
Waxa uu sheegay in Qodobo kasoo horjeedda Heshiiskii Axmed madoobe, xidig iyo seeraar ay soo saari doonaan,islamarkaana warbaahinta la wadaagi doonaan.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa heshiis la gaaray Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh.
Heshiiskan oo ah mid lagu soo afjaraayo kala duwanaanshahooda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxay ku wada saxiixdeen Magaalada Nairobi.

