Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo lagu weeraray, Garoonka Diyaaradaha Degmadda Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay lagu weeraray Garoonka oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.
“Labada qarax ee lagu weeraray saldhiga ciidamada Yugaandha ee garoonka Baraawe ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaas oo beegsaday ciidamadii AMISOM ahaa ee halkaas ku sugnaa,qaraxyada ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyeedba gaarsiiyay ciidamadii lagu weeraray kuwaas oo intoodii ka badbaaday qaraxyada ay rasaas aad u farabadan fureen goobtiina gabi ahaanba xireen”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dhanka Shabaab.
Dhanka kale Shabaab waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan sawiradda khasaaraha ka dhashay qaraxyadda lagu weeraray Garoonka.

