Al-shaabab oo Qaraxyo Ku Weeraray Garoonka Diyaaridaha Baraawe

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Al-Shabaab ay ku weerareen Garoonka Diyaaridaha Magaaladda Baraawe ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Laba qarax oo lagu weeraray saldhiga ciidamada Yugaandha ee garoonka Magaaladda Baraawe ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaas oo beegsaday ciidamadii AMISOM ahaa ee halkaas ku sugnaa Garoonka Baraawe.

Qaraxyadda ayaa la sheegay in ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamadda AMISOM ee ku sugnaa Saldhiga Magaaladda Baraawe.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo looga hadlaayo qaraxyadda ka dhacay Baraawe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here